Muqdisho, May 10, 2021; Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed ayaa lacago loogu talagalay in lagu ciid-siiyo caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Suxufiyiintii ku geeriyooday Muqdisho laga soo billaabo sanadkii 2007-dii u qeybiyay ku dhawaad 30 qoys.
Madaxa xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta gaarka loo leeyahay ku wareejiyay lacagaha sanadkan loogu talo galay in Agoonta lagu ciid-siiyo ayaa tilmaamay in bahda Warbaahinta ay qiimo weyn u leedahay in ay ka qeyb qaataan daryeelka iyo ka warqabka agoonta ay ka geeriyoodeen saaxiibadood, isaga oo intaas ku daray in Xafiiska Warfaafintu muhiimad gaar ah siinayo xaaladda Agoonta Wariyeyaasha.
Dhinaca kale guddi ka kooban Agaasimeyaal iyo Wariyeyaal ka hawlgala Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ayaa soo dhoweeyay taakulada Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada JFS la garab taagan yahay Agoonta Wariyeyaashii Soomaaliyeed.
Qorshahan Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Qaranka oo sanadkii Afaraad lagu ciid-siinayo Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday ayaa u jeedkiisu yahay in garab istaag loogu muujiyo Agoonta ay ka geeriyoodeen Wariyeyaasha iyaga oo u adeegaya Bulshadooda naftooda ku wayay, islamarkaana ay isku xir u noqoto guud ahaan bahda Warbaahinta.