Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika; waxa ay dhanka Galbeedka xuduud kala leedahay Itoobiya, dhanka Waqooyi Galbeedna Jabuuti, dhanka Waqooyigana Gacanka Cadmeed, dhanka Barina Badweynta Hindiya, dhanka Koonfur Galbeedna Kenya. Soomaaliya waxa ay madaxbannaanideeda heshay 1960kii, dastuurkii ugu horreeyayna waxay meelmarisay 1961kii. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Midowga Afrika (1963kii), Ururka Iskaashiga Islaamka (1969) iyo Jaamacadda Carabta (tan iyo 1974kii).

BAYAANADA

Hiigsiga Dowladda

Waxaa bud-dhig u ah Heshiis bulsho oo loo dhan yahay, oo ku qotoma mabaadi’ida talowadaagga, wada-oggolka, xurmaynta iyo qaddarinta muwaadinka iyo xuquuqdiisa iyo ixtiraamidda sharciga.

EhAEVRKWsAUgpev

Soomaali heshiis ah oo leh dowladnimo ay u dhan tahay, waxaa suurta galin kara horumar Dhaqaale oo ay gundhig u yihiin sinaan iyo daah furnaan, waana matoorka dhaqaajiya nidaamka dowladnimada, korna u qaada tayada nololeed ee dadweynaha.

Waa aalad dalka lagu gaarsiin karo heer isku filnaasho ah iyo inuu muwaadinka Soomaaliyeed asaaggiisa kula tartamo.

Muuqaallada

Ku xirnoow Baraha Bulshada ee Madaxtooyada

"Dalkeenna innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

Madaxweyne Farmaajo

Scroll to Top