Madaxda dalalka ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay isku raacay qodobbo ay ka mid yahiin:
1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.
2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.
3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.
4- Waxaa la bogadiyay guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.
5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed, & Midnimada Soomaaliya.
Hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaa Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee shir Madaxeedka waddamada ay Ciimadamada ka joogan Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayey qorshaha ka bixitaanka Ciimadamada ATMIS ee Soomaaliya.