
Soomaali heshiis ah oo leh dowladnimo ay u dhan tahay, waxaa suurta galin kara horumar Dhaqaale oo ay gundhig u yihiin sinaan iyo daah furnaan, waana matoorka dhaqaajiya nidaamka dowladnimada, korna u qaada tayada nololeed ee dadweynaha. Waa aalad dalka lagu gaarsiin karo heer isku filnaasho ah iyo inuu muwaadinka Soomaaliyeed asaaggiis kula tartamo.
Haddaba, si aan u xaqiijinno hadafkaas, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyinkan soo socda:
- Dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta iyo adkeynta nidaamka hufnaanta maaliyadda dalka.
- Taabbagelinta awoodda shaqo ee Bangiga Dhexe iyo maamulka maaliyadda dalka si loo soo celiyo shilin Soomaaligii oo leh tayo iyo qiimo leh
madaama lacagtu ay tahay astaanta qaranka iyo cabirka miisaanka dhaqaale ee dawladnimada. - Dhismaha hay’ado maaliyadeed oo wax-ku-ool ah sida bangiyada horumarinta, iyo kuwa ganacsiga oo fududeeya maalgashiga, dhaqdhaqa-
aqa iyo xiriirka ganacsi ee dalku la leeyahay dunida, iyadoo la abuurayo jawi dhiirrigelinaya maalgashiga gudaha iyo dibaddaba.
Dejinta qorshayaal shaqo abuur ah oo howl gelinaya xoogga iyo xirfadda dhalinyarada awood dhaqaalana siinaya haweenka. - Kobcinta wax soo saarka, iyadoo laga faa’iideysanayo khayraadka dihin ee dalka si aan uga baxno saboolnimada raagtay, una xaqiijinno sugidda amniga quudka.
- Horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah si mas’uuliyadi ku jirto, gaar ahaan ilaha soo jireenka ah ee wax soosaarka sida xoolaha, beeraha iyo kalluunka.
- Dib u dhiska iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida dekedaha, garoomada diyaaradaha, tamarta, biyaha iyo waddooyinka.
Sameynta aagag ganacsi xor ah (Free Trade Zone) oo bad iyo barriba leh. - Tayaynta nidaamka canshuuraha dalka, iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ee loo qaado canshuuraha, lana xoojinayo daah furnaanta maamulka dhakhliga canshuuraha ee dalka.
- Waxaan sare u qaadi doonnaa heerka bixinta iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah guud ahaan dalka, isla markaana waxaan xoojin doonnaa awoodda hay’adaha dawladdu ay u leeyihiin qorsheynta, maareynta iyo kormeerka baahida caafimaad ee heer qaran.
- Waxaan dejin doonaa siyaasad qaran oo lagula dagaallamayo saamaynta isbeddelka cimilada, dhoofinta dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka.
Waxaan dejin doonaa siyaasad qaran oo lagu horumarinayo kalluumaysiga, taa oo hagta horumarinta, tababarrada, maamulka iyo ilaalinta
kheyraadka badda. - Waxaan ahmiyad gaar ah siin doonnaa tababarrada xirfadaha xiriirka laleh shaqooyinka dalka muhiimka u ah sida dhaqashada xoolaha, beeraha, kaluumaysiga, caafimaadka iyo farsamada gacanta.
- Waxaan hergelin doonaa nidaam la isku waafajinayo tacliinta sare iyo baahida xirfadeed ee ilaha wax soosaarka (xoolaha, beeraha, iyo kalluu-
maysiga) iyo qaybaha adeegga, si kor loogu qaado fursadaha shaqo helid ee ardada ka qalin jabinaysa dugsiyda, macahidda iyo jaamacadaha dalka.
