Si loo helo dowladnimo Soomaaliyeed oo sal dhigata iyo bulsho Soomaaliyeed oo nabad iyo is aqbal ku wada nool waxaa lagama maarmaan ah in lahelo dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida shacabkeeda, waxaana bud-dhig u ah Heshiis bulsho oo loo dhan yahay, oo ku qotoma mabaadi’ida talowadaagga, wada-oggolka, xurmaynta iyo qaddarinta muwaadinka iyo xuquuqdiisa iyo ixtiraamidda sharciga. Haddaba si aan taa u
xaqiijino Soomaali heshiis ah;

waxaan qaadi doonnaa talaabooyinka soo socda:

  • Abuuridda kalsooni bulsho (trust) iyadoo la samaynayo jawi ay kuwada-hadli karaan, ku garnaqsan-karaan, wixii dhexdooda jiran uga heshiin karaan.
  • Xaqiijinta midnimada dalka iyo wadajirka dadka, iyadoo la adeegsanayo
    dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed.
  • Dhammeystirka, ansixinta iyo dhaqangelinta dastuurka iyadoo la abuurayo jawi ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ku
    qanci karaan heshiiska bulsho ee ay wada samaysteen.
  • Taabbagalinta nidaamka Federaalka iyo daadejinta talada iyo awooddadowladnimada ee dalka.
  • Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo xaqiijinta doorasho qof iyo codah; si fursad loogu siiyo shacabka Soomaaliyeed doorasho furan oo xor ah oo ay ku doortaan madax ay la xisaabtami karaan, oo dammaanad qaadda adeeg bulsho oo tayo leh.
  • Awood-siinta dhallinyarada iyo haweenka, iyo abuuridda fursado shaqooo xal u noqda dhibaatooyinka tahriibka, xagjirnimada iyo burcadnidaba.
  • Kobcinta ku dhaqanka sharciga iyo qiyamka toosan, la dagaallanka dhaqammada gurracan sida takoorka, qabyaaladda iyo xoojinta doorka
    dadka la heyb sooco iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.
  • Xoojinta doorka ay diinteenna suubban ku leedahay dowladnimadeenna.
  • Horumarinta xirfadlayda iyo xoojinta kaalinta ururrada bulshada rayidka ah.
  • Dhismaha guddiga dibu heshiisiinta qaranka sida dastuurku qabo.
Scroll to Top