MUDANE ABSHIR MAXAMED AXMED (BUKHAARI) OO LA WAREEGAY XILKA WASIIRU-DOWLAHA MADAXTOOYADA QARANKA

Muqdisho, Ogoosto 10, 2022; Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya.

Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Wasiir Xasan Khaliif shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Agaasinka, howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka u kala wareejiyey Labada Wasiir ayaa u rajeeyey Wasiir Abshir Maxamed Axmed in Alle uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sawirro

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 6 people, people sitting and people standing

May be an image of 1 person and sitting

May be an image of 2 people and people standing

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top