MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO KA QAYB GASHAY SHIR LOOGAGA HADLAYEY ISBEDDELKA CIMILADA ADDUUNKA

Istanbuul, Diseembar 18, 2021; Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa shir qayb ka ah Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaadatay Marwada Koowaad Ee Dalka Turkiga Marwo Emine Erdogan iyo Marwooyinka Koowaad ee Dalalka Afrika ee ka qayb galay Shirka.

Shirka Marwooyinka ayaa diiradda lagu saaray isbedelka cimilada aduunka, iyada oo laga wada hadlay qorsheyaasha ay Dalalka Afrika iyo Turkigu isaga kaashan karaan wax-ka-qabashada cimilada adduunka ee sii kululaanaysa, taas oo saamayn taban ku yeelatay guud ahaan bulshooyinka caalamka, si gaar ah haweenka iyo dhallaanka oo ah kuwo u nugul waxyeellada isbeddelka cilimada adduunka.

Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa Madasha ku soo bandhigtay saamaynta isbeddelka cilimada adduunku ay ku yeelatay Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in bulshada Soomaaliyeed ay waayo-aragnimo u leeyihiin dhibaatooyinka laga dhaxlay isbeddelka cimilada, taas oo sababtay abaaro, dabaylo iyo daadad waxyeello u gaysta hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ay Marwooyinka Koowaad ee Dalalka Afrika iyo Marwada Koowaad ee Turkigu isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa hirgelinta qorsheyaasha ku aaddan isbeddelka cimilada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee ka soo baxay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top