MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO ADDIS ABABA KAGA QEYB GALAYA SHIR SADDEX-GEESOOD AH

Addis Ababa, Abriil 14, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa hoggaamiyeyaasha saddexda dal waxa ay ka arrinsanayaan dib-u-habaynta iskaashiga ka dhexeeya iyo mideynta qorsheyaasha ku qotama xiriirka diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo amni, iyadoo la gorfeynayo xal u helidda caqabadaha ay wadajirka u wajahayaan dalalkan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, sidoo kale dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, guulaha laga gaaray dib u xoreynta deegaannada iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga heer gobol.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top