MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY ISBITAAL CUSUB OO LAGA HIRGALIYAY DEGMADA CADALE

Cadale, Nofeembar 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda.
Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top