MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA CUSUB EE TALYAANIGA

Muqdisho, Diseembar 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya mudane Pier Mario Daccò Coppi warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka.

Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top