MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE KENYA

Muqdisho, Sibteembar 08, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalkeenna Mudane Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top