MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARBIXIN KA DHAGAYSTAY GUDDIGA AMNIGA QARANKA AYAA KADIB FARRIIN U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED

23-August- 2022:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirrada Arrimaha, Dibadda, Amniga, Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.

Sawirro:

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of text that says 'SOMALIA SECURITY SECTOR REFORM Recommended Security Sector Architecture, reform paths, and short- term actions'

May be an image of 8 people, people sitting, people standing, suit and indoor

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top