MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO VILLA SOOMAALIYA KU QAABILAY AGAASIMAHA FULINTA BARNAAMIJKA CUNNADA ADDUUNKA

Muqdisho, 2 May, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafti ay hoggaamineyso agaasimaha Fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka Marwo Cindy McCain.

Madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Cindy McCain ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda cunnada adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida.

Dhankeeda, Marwo Cindy McCain ayaa bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada, iyadoo ballan qaaday in WFP shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top