MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UGU HAMBALYEEYEY DOWLADDA IYO SHACABKA JABUUTI MAALINTA XORNIMADA

Muqdishu, 27 Juun, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top