MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH EE BISHA RAMADAAN

Muqdisho, Abriil 19, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ayaa abaal marinno guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah, wiilsha iyo gabdhaha ka qeyb-galay, culimada hoggaamisay iyo dowladda soo qaban qaabisay ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdifataax Axmed Maxamed oo kaalinta koowaad u galay sannadka Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaal marinno kale guddoonsiiyey xufaadda kala ah; Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

Kaalimaha iyo sida ay u kala galeen tartamayaasha :-

1: Cabdiftaax Axmed Maxamed %99.57
2:Maxamed Ibraahim Maxamed. %99.42
3:Xuseen Maxamed Cabdulle.99.21%
4:C/qaadir Yuusuf Maxamed 98.85%
5:Saabiriin Xasan Maxamed 98.78

 

 

Daawo hadal jeedinta madaxweynaha iyo gudoonsiinta abaal marinada tartamayaasha

 

 

Daawo Xaflada oo dhameystiran

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top