MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO DHAWEEYEY QARAARKA GOLAHA WASIIRRADA EE XOOJINTA HUFNAANTA MAAMUL IYO MAALIYADEED EE DALKA

Muqdisho; Maajo 11, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo dhawaynaa Qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiirradu shirkooda todobaadlaha, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jumcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha isaga oo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socondoonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top