Muqdisho, Luuliyo 12-07- 2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa daahfuray kulan wadatashi ah oo ay wada qaateen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyay madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan waxa uuna madasha kula wadaagay waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa dhageystay aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
Kulanka oo laba maalin qaatay ayaa waxaa maalinki labaad kasoo qayb-galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre.
Kulankan Wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u fidiyey Madaxda iyo masuuliyiintii hore ayaa waxa uu ka tarjumayaa aragtida hoggaamineed ee Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah in lagu gaari karo Soomaaliya amni ah, barwaaqo ah oo isku filan. Sida ay Madaxdu u ajiibeenna waxay muujinaysaa qiimaha ay leedahay in wadatashi iyo is-qancin looga gudbo caqabadaha uu dalkeenu wajahayo.
Daawo war murtiyeedka ka soo baxay shirka