Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galaya Xafladda qalin jabinta dufcaddii labaad ee Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa ka mid ah Ardayda sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacadda isla markaana qaadanaya shahaadada sare ee PhD ee cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.
“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasusuka cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.