MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SOOJEEDINTA RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA EE GUDDIGA DIB U EEGISTA IYO HIRGELINTA DASTUURKA

Muqdisho, MAARSO 21, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay soojeedinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee magcaabista xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo Kala ah:

1. M.dane Burhaan Aadan Cumar: Gudoomiye
2. M.dane Axmed Maxamed Jaamac; Xubin
3. M.dane Maxamed Cabdalla Saalax; Xubin
4. Marwo Farxiyo Muumin Cali; Xubin
5. M.dane Maxamed Xasan Idiris; Xubin

Xubnaha Guddigan waxaa ansixiyey Golaha Shacabka ee BFS iyo Golha Aqalka Sare ee BFS kadib soojeedinta Golaha Wasiirada ee XFS, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka KMG ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xubnaha iyo guddoonka guddigan ay khibrad iyo aqoon durugsan u leeyihiin arrimaha dastuurka iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay muhiimadda dhammeystirka dastuurku uu u leeyahay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dardar-gelinta shaqada baaxadda leh ee hortaalla iyo in ay dhaxal wanaagsan u reebaan jiilasha Soomaaliyeed, maadaama Dastuurka Federaalka Soomaaliya uu hagayo aayaha dalka.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top