MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA MIISAANIYADDA SANADKA 2023-KA

Muqdisho, Diseembar 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top