MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA HANTI DHOWRKA QARANKA

Dhuusamareeb, Sabteembar 14, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaaliya ku shaqeysa shuruuc iyo xeerar qoran ayaa saxiixay Sharciga Hantidhowrka Qaranka.

Sharciga cusub ee Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top