MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA SHACABKA SOOMAALIYEED KULA OOGAY MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Juun 28, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top