Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Khawaarijtu markii ay waayeen awood ay ku hor istaagaan ciidamada qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay qaateen siyaasad ay isaga hor keenayaan Qabaa’ilka soomaaliyeed iyo dowladdooda, waa in ka feejignaanaa dhagaraha cusub ee Khawaarijta. Wejiga labaad ee dagaalka ciribtirka Khawaarijtu dhawaan ayuu ka billaabanayaa Jubaland iyo Kuunfur-galbeed, waxaana rabnaa in waqti ka yar kii wejigii koowaad uu kusoo dhammaado.