MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABBILAY SAFIIRKA DOWLADDA FINLAND U JOOGA DALKEENNA

Muqdisho, Sibteembar 07, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya dalkeenna Mudane Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka, xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

Sawirro

May be an image of 3 people, people sitting and people standing

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top