MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA ITOOBIYA MUDANE ABIY AXMED

Muqdisho, Feberaayo 01, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top