MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE ARRIMAHA DASTUURKA

Muqdisho, Diseembar 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top