MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY ERGAYGA ARRIMAHA CARRUURTA IYO XUQUUQDA SOO-GALOOTIGA

Muqdisho, 19 Abriil, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ugu magacaabay Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo raacaya Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG ayaa tilmaamay in Ergaygan aqoon iyo khibrad wanaagsan u leedahay ilaalinta arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga, isaga oo adkeeyey sida ay uga go’an tahay dowladda xaqiijinta arriimaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ergeyga cusub ee Arrimaha Carruurta iyo Xuquuqda Soo-Galootiga dardargelinta dhammaan howlaha muhiimka u ah ka jawaabidda baahiyaha carruurta Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Soo-Galootiga, iyadoo diiradda la saarayo qorsheyaasha Qaran ee ku saleysan ilaalinta Carruurta iyo xuquuqdooda aas-aasigaa.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top