MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA QARANKA

Dhuusamareeb, Aug 18, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud mudadii uu soo hoggaamiyay xafiiska.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top