MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXDA DALKA SUDAN KALA HADLAY LA DAGAALANKA ARGIGGIXISADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku hakadeen Magaalada Khartuum si ay madaxda dalkaas uga wada hadlaan garab istaag dhanka la dagaalanka argiggixisada.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Aljaris ee caasimadda dalka Aljeeriya halkaas oo uu ka furmi doono shir madaxeedka ururka jaamacadda Carabta.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top