MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY ERGEY GAAR AH OO KA SOCDA DALKA SUUDAAN

Muqdisho, Maajo 06, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ergeyga ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan Danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan, waxa uuna xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top