MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN WADATASHI AH LA QAATAY CULIMADA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo adkeynta xiriirka dowladda iyo culimada, isagoo tilmaamay muhiimadda ay u leeyihiin la dagaallanka fikirka xagjirnimada iyo toosinta dowladnimada.
Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta, waxbaridda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan gurmadka abaaraha iyo taakulaynta dadka danyarta ah.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo tilmaamay sida ay dowladda ugala shaqeynayaan xaqiijinta Soomaali heshiis ah.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top