MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAGOOTIN AH LA QAATAY DANJIRAHA MIDOWGA YURUB

Dhuusamareeb: 16 Ogoosto, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb Danjiraha Midowga Yurub Marwo Tinna Intelman oo uu dhammaday muddo xileedkileeda diblomaasiyadeed ay ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub taageerada iyo garab istaagga ay siiyaan dalkeenna, isagoo Safiirka uga mahadceliyey wada shaqeyntii wanaagsaneyd iyo daddaalladdii ay ku bixisay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Dhankeeda, Marwo Tinna Intelman ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hayso dhabbaha horumarka, taas oo muujineyso dib u soo kabasho dhaqaale, amni iyo guulaha wax ku ool ah ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisida oo hadda maraya marxalad gabegaba ah wajagii labaad ee howlgalka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top