MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAAGOOTIN LA QAATAY SAFIIRKA DALKA MARAYKANKA EE AY SOO GABAGABOWDAY MUDDO XILEEDKIISA DIBLUMAASIYADEED

Muqdisho, May 27, 2023; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Larry André oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top