MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN SAAGOOTIN AH KULA QAATAY VILLA SOOMAALIYA SAFIIRKA DALKA TURKIGA

Muqdisho, Jannaayo 15, 2022; Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaas oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top