MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WASIIRRADA MAALIYADDA HEER FEDERAAL IYO HEER DOWLAD-GOBOLEED

Muqdisho, Jannaayo 12, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dawlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada isagoo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Dhankooda, Wasiirada ayaa soo dhaweeyay howlgalada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka ka soo qeybgalay, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka mudane Elmi Maxmuud Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda K. Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top