MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA DALKA BURUNDI ABLERT SHINGIRO

Muqdisho, Abriil 24, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha degdegga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab, isagoo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka Labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top