MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY MADAXA HAY’ADDA QAXOOTIGA ADDUUNKA

Muqdisho, Oktoobar 21, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top