MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY KU XIGEENKA XOGHAYA DIFAACA TALYAANIGA.

Muqdisho, Feberaayo 02, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top