MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY HOGAANNADA TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Aadan Yabaal, Sebtembar 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta Al Shabaab.

Hogaannada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top