MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHADKA TALEEFANKA KULA HADLAY HOGGAAMIYEYAASHA DALALKA TURKIGA, QATAR IYO JABUUTI

Muqdisho, Juun 28, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan, Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Madaxda hambalyo ku aaddan Ciidda barakaysan ee Carafa, iyagoo u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed horumar iyo sannado barwaaqo ah, waxayna muujiyeen taageerada ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Turkiga, Qatar iyo Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay ugu hambalyeeyeen Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafa, waxa uuna tilmaamay dadaalka ay dowladdu gelinayso kobcinta xiriirka ay la leedahay dalalka walaalaha ah ee soo garab istaagay xilliyada adkaa.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top