MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN MAXAMED CUMAR

Muqdisho, 21 Luuliyo, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cumar uu ahaa nin dhallinyara oo door firfircoon ku dhex lahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo jannatul fardowsa Samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top