MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA TALIYE KUXIGEENKA DANAB

Baydhabo, Jannaayo 20, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyey geerida Saraakiisha iyo ciidanka ku shahiiday Galcad.

Madaxweynaha ayaa xusay sida geesinimada iyo naf hurka ah ee ciidamadu ay u jabiyeen argagixisadii soo weerartay deegaanka, iyagoo u dhigay cashar lama ilaawaan ah oo muujinaya sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga dhagarta argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku shahiiday weerarkan, waxa uuna Alle u weydiiyey Jannatul Firdowso isaga iyo dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku shahiiday jidda hore ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada, taas oo caddeyn u ah dhammaadka argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah aragagixisada, dadkeeduna ay hiigsadaan horumar iyo nolol wanaagsan.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top