MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA KU TIMID XILDHIBAAN MAXAMUUD MAXAMED SEYSEY

Muqdisho, Maarso 18, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamuud Maxamed uu door weyn ka soo qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, madaama uu muddo dheer ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Inna lillaahi wa inna ilayhi raajicuun, Alle ha u naxariisto marxuum Maxamuud Maxamed Seysey, oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS, waxa uu kaalin mugleh ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top