MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH ISMAACIIL MAXAMUUD CIGAAL.

Muqdisho, Diseembar 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal.

Madaxweynaha ayaa xusay in Sheekhu ahaa daaci weyn oo lafdhabar u ahaa fidinta diinta islaamka iyo ilaalinta caqiidada suubban ee ummadda Soomaaliyeed, isaga oo Alle uga rajeeyay in hoygiisa ka yeelo Janatul Firdosa.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal. Sheekhu waxa uu ahaa daaci weyn oo noloshiisa inta badan ku bixiyay fidinta diinta islaamka.”

 

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top