MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKII HORE EE DALKA

Muqdisho,Abriil 05, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top