MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEY GEERIDA MARXUUM MAXAMED AXMED CAALIN

Muqdisho, Nofeembar 01, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug Marxuum Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door weyn ka soo qaatay samata-bixinta iyo horumarinta bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo hirgelinta nidaamka Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bulshada Galmudug iyo guud ahaan dadka Sooomaaliyeed.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top