MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO U SAFRAY NAIROBI SI UU UGA QEYB GALO CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA DALKA KENYA

Nayroobi, Sebteembar 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaaray magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah

Sawirro

May be an image of 7 people, people standing, suit and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top