MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAYA SHIRKA GOLAHA LOO DHANYAHAY EE QARAMADA MIDOOBEY

Muqdisho, Sebteembar 14. 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top