MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO

Nayroobi, Sibteembar 13, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Sawirro

May be an image of 4 people and people standing

May be an image of 4 people and people standing

May be an image of 4 people, people standing and suit

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 6 people, people standing and suit

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 4 people, people sitting and people standing

May be an image of 3 people, people standing and outdoors

May be an image of 2 people and outdoors

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top