MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA GUDDOOMAY WASIIRKA ISGAARSIINTA DALKA ALGEIRA DHAMBAAL UU UGA SIDAY MADAXWEYNAHA DALKAAS

Muqdisho, Oktoobar 05, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Mudane Cabdulmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Al-geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sawirro

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top